Ururka Xisbullah oo la soo baxay gantaalo cusub iyo Israa'iil oo walaac ka muujisay

Gaantaalo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Xisbullah iyo Israa’iil ee ka taagan xuduudka koonfureed ee dalka Lubnaan, ayaa dadka u kuur gala waxa ay rumeysan yihiin in labada dhinac ee iska soo horjeeda ay qarinayaan nooca hubka ay adeegsanayaan, gaar ahaan ururka Xisbullah oo xilliyada qaar soo bandhiga hub cusub oo ay ku bartilmaameedsadaan gudaha Israel.

Maalmihii la soo dhaafay, Xisbullah ayaa ku dhawaaqday hubka ay isticmaalayso markii ugu horreysay tan iyo markii ay billaabatay xiisadda xudduudda ee u dhexeysa Lubnaan iyo Israa'iil, waxaana ugu dambeysay Khamiistii, markii xisbigu bayaan uu soo saaray ku shaaciyay adeegsiga gantaallada casriga ah ee lagu bartilmaameedsado diyaaradaha kana hortaga gantaalada kale.

Tani waxay ku soo beegantay maalin uun ka dib markii Ururka Xisbullah uu beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla galbeedka magaalada Tiberias, weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gudaha dhulka Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka bilaabmay

Xisbullah oo ku hubeysan gantaalo casri ah

Nooc ka mid ah gantaalada

Xigashada Sawirka, HEZBOLLAH WEBSITE

Isticmaalka gantaallada S5 ee Xisbullah ayaa sare u qaaday welwelka Israel ee ku aaddan horumarinta hubka ay deegsanayaan kooxdan.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo Xisbullah ay adeegsato diyaarad aan duuliye lahayn oo ku hubeysan gantaallada, halkii ay ka isticmaali jireen walxaha qarxa oo kooxda Lubnaan ay inta badan adeegsanayeen muddo bilo ah.

Khabiirka millatariga ee reer Lubnaan Janaraal Hisham Jaber, oo ah madaxa Xarunta Barriga Dhexe ee Daraasaadka iyo Xiriirka Dadweynaha, ayaa BBC u sharaxay, "Ganaalada waxa ay gaaraan bartilmaameedka saxda ah marka loo eego bambooyinka laga soo tuuro diyaarad aan duuliye lahayn."

Shabakad ay Xizbullah ku leeyihiin barta Telegram-ayaa waxaa la soo dhigay sawirka nooca gantaalaha aan la hagi karin ee Ruushka ee S5, kaas oo dhererkiisu yahay 1.4 mitir, miisaankiisuna yahay afar kiilo garaam, isla markaana gaari kara 4 KM.

"Hubka cusub ee xisbullah"

Hubka xisbullah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Awoodaha ciidan ee Xisbullah ee Lubnaan waxa ay ka markhaati kacday horumar la yaab leh dhawrkii sano ee la soo dhaafay. Ururka ayaa isticmaalay hub badan oo cusub tan iyo 7-dii Oktoobar.

Janaraal Hishaam Jaber ayaa ku macneeyay arrintan in Xisbullah ay wali qarinayaan nooca hubka ay haystaan islamarkana ay si tartiib tartiib ah u soo bandhigayaan hubkooda casriga ah.

Waxa uu BBC-da u sheegay in Xisbullah ay laba jeer adeegsatay gantaallada difaaca cirka; "Ka hore wuxuu ahaa markii ay soo rideen Hermez 450, ka labaadna wuxuu ahaa markii ay soo rideen Hermez 900 oo Israel samaysay, bishii April ee la soo dhaafay."

13-kii May, Shabakadda Al-Mayadeen TV ee Lubnaan ayaa sheegtay in Xisbullah ay markii ugu horreysay shaaca ka qaadday adeegsiga gantaallada cusub ee culus oo lagu magacaabo “Jihad Mughniyeh”. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in ay adeegsadeen diyaarad cusub oo aan duuliye lahayn oo lagu magacaabo "Shahab" si ay u beegsadaan nidaamka difaaca cirka ee Israa'iil ee lo yaqaano Iron Dome.

Warbixin uu soo saaray machadka Washington Institute for Near East Policy, Khamiistii, ayaa lagu sheegay in Hezbollah ay adeegsadeen diyaaradaheeda jiilka saddexaad markii ugu horreysay, waxayna warbixintu intaa ku dartay in kooxdu ay adeegsatay “nooc aad u horumarsan oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ababil oo awood u leh inay aqoonsadaan bartilmaameedyada gaarka ah.”

Sarkaal ka tirsan Xisbullah ayaa u sheegay kanaalka Al-Mayadeen ee Lubnaan in kooxdu ay dhawaan kordhisay awoodda ay ku kaydsan karto hubka.

Nawaf al-Moussawi, oo ah mas'uul ka tirsan Hisbullah, ayaa sheegay in kooxdu ay hadda awood u leedahay inay hesho tiro hub ah hal bil gudaheed, halka markii hore ay heli jireen lixdii bilood-ba mar .

Al-Moussawi waxa uu tilmaamay in Hezbollah ay haysato “hub cusub” oo ay u adeegsato Israa’iil, oo ay ku jiraan gantaallo si sax ah u gaara goobaha lagu ridoislsmarkana loo adeegsan karo badda iyo dhulka.

Wargeyska Israa’iil ee The Jerusalem Post oo soo xigtay Tal Perry oo ah taliye hawlgab ah kana shaqeeya waaxda cilmi-baadhista ee xarunta Alma ee Israa’iil, in Hezbollah ay sidoo kale gantaalada SA8 geeyeen koonfurta Lubnaan, taas oo uu sheegay in laga yaabo in ay khatar ku tahay diyaaradaha Israa’iil ee ka hawlgala Lubnaan.