WARBIXIN: 10-ka Saxiix Ee Bilaashka Ah Ee Ugu Fiican Taariikhda Premier League

Koox Walba way jeceshahay in ay qaab xor ah kula Soo wareegto xiddigaha suuqa kala iibsiga.

Saxiixyada xorta ah ayaa Inta badan loogu jecelahay maadama ayna lacag badan kaa Galay.

Taariikhda premier league waxa jira kooxood badan Oo qaab xor ah kula wareegay xiddigo.

Hadaba Warbixintan waxa aan ku Soo bandhigi doona 10-kii saxiix ee xorta ahaa Ee ugu Fiicnaa premier league.

1.Sol Campbell (Arsenal):

“Waan joogayaa.” Taageerayaasha Tottenham Hotspur ee ka weyn da’da cayiman ayaa xasuusan doona Sol Campbell oo wacad ku maray inuu sii joogi doono White Hart Lane 2001 isagoo 12 sano la joogay kooxda. Bilo yar ka dib waxa uu ku biiray kooxda Arsenal.

Campbell wuxuu ku guuleystay horyaal iyo koob laba jeer xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Highbury, ka hor inta uusan ciyaarin 35 ka mid ah 38-kii kulan ee Gunners ee horyaalka intii lagu jiray xilli ciyaareedkoodii guuldaro la’aanta ay ku qaadeen horyaalka taas Oo ka Dhigtay Halyeey Arsenal ah.

2.James Milner (Liverpool).

Manchester City ayaa hubaal ah inay lacagteeda ku heshay James Milner isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan horyaalkoodii ugu horeeyay ee Premier League xilli ciyaareedkii 2011-12 ka Hor inta uuna laba Sano Kadib kula guulaysan Fa Cup iyo Carabao cup.

Milner ayaa Kadib qaab xor ah Ugu biiray kooxda Liverpool laakiin ma jirin cid filaysay in uu guulo la gaadho kooxda.

Si kasta ha ahaatee Milner ayaa Liverpool kula guulaystay wax Walba Oo suurtagal ah Kuna jiraan champion league iyo premier league.

3.Michael Ballack (Chelsea):

Bayer Leverkusen ayaa la soo saxiixatay Michael Ballack 1999kii, wuxuuna halkaas ku muujiyay inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican Yurub. Waxa uu u dhaqaaqay Bayern Munich 2002dii, waxaana uu joogay Bavaria afar sano ka hor inta uusan si xor ah ugu biirin Chelsea.

Ballack ayaa kooxda Chelsea kula guulaystay horyaalka premier league iyo wali a Fa Cup-ka.

4.Joel Matip (Liverpool)

Matip ayaa ka mid ahaa xiddigaha aadka loo Qiimeeyo markii uu qaabka xorta ah Ugu Soo biiray Liverpool waxana uu wacdaro ka dhigay Reds sanadihii uu joogay isaga Oo kooxda kula guulaystay horyaalka premier league iyo waliba champion league.

5.Ruud Gullit (Chelsea)

6.Marc Albrighton (Leicester City)

7.Gus Poyet (Chelsea)

8.Christian Fuchs (Leicester City)

9.Thiago Silva (Chelsea)

10.Gary McAllister (Liverpool)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga